Garsoore Chitembwe oo racfaan ka qaadanaya go’aankii xafiiska looga saaray

0
319

Saciid Juma Chitembwe oo ka mid ahaa garsoorayaasha maxkamadda sare ee wadanka oo dhawaan shaqada laga istaajiyay ayaa sheegay inuu racfaan ka qaadanaya go’aankii xafiiska looga saaray.
Waxaa uu gudbiyay wargelin arrinkan ku aaddan oo uu uga soo horjeedo tallaabadii ay ku dhaqaaqeen 12-ka xubnood ee guddiga baaritaannada ku sameynayay.
Xubnahan oo ay hoggaaminaysay garsoore Mumbi Ngugi oo ka howlgasho maxkamadda racfaanka ee dalka ayaa madaxweynaha wadanka William Ruto u soo jeediyay inuu shaqada ka joojiyo garsoore Chitembwe oo lagu eedeyay musuqmaasuq.