Afar ismaamul oo lagu tijaabinaya barnaamij ka dhan ah Duumada

0
282

Afar ka mid ah ismaamullada gobolka bartamaha dalka sida Nyeri, Kirinyanga, Laikipia iyo Nyandarua ayaa laga fulin doonaa istaraatiijiyad tijaabo oo ka dhan ah cudurka duumada.
Qorshahan ayaa la doonaya in sanadaha nagu soo aaddan gudahooda dalka looga cirib tiro xanuunkan.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday madaxa qaybta barnaamijka qaran ee duumada Dr. Axmed Deen Cumar.
Mas’uulkan ayaa xusay in afarta dowlad deegaan laga diiwaangeliyay kiisaska ugu yar ee xanuunka malaariyada oo ka hooseeya boqolkiiba hal.
Waxaa uu Dr. Cumar intaasi ku daray in heerka qaran ee duumada uu hadda yahay boqolkiiba 6.
Waxaa uu sheegay in marka afarta ismaamul laga dabar gooyo xanuunka duumada inay fududaan doonto in sare loo qaado dadaallada kormeerka ee ka dhanka ah cudurka ee meelaha uu cudurkan ku badan yahay sida gobollada Nyanza, Galbeedka iyo Xeebta dalka.
Dr.Axmad Deen Cumar ayaa laga soo xigtay in sida uu xanuunka malaariyada uga jiro ismaamullada Kisumu, Siaya, Migori, Homa Bay, Busia,Bungoma, Kakamega iyo Vihiga uu yahay boqolkiiba 19.
Gobolka Xeebta,kiisaska xanuunkan ayaa ah boqolkiiba 5 halka Waqooyiga iyo Bariga, xaaladaha laga diiwaangeliyay ay kala yihiin boqolkiiba 2 iyo saddex.
Sanadkii 2021-kii ayay ahayd markii ay wasaaradda caafimaadka ee dalka ay daahfurtay olole maro-kaneecada looga qaybinayay 27 dowlad deegaan oo uu ku badan yahay xanuunka duumada ama malaariyada.