DHAGEYSO:Qiimeynta howlwadeenadii shaqada laga joojiyay ee Garissa oo la dhameynaya toddobaadkan

0
203

Guddiga adeegga dadweynaha iyo waaxda shaqaaleysiinta ee dowladda hoose ee ismaamulka Garissa ayaa sheegay inay 18-ka bishan labaad soo gabagabeyn doonaan qiimeyn tan iyo bishii hore lagu sameynayay qaar ka mid ah howlwadeennada dowlad deegaankaasi oo shaqada laga istaajiyay.
Waxaa xigi doono in guddigan ay dib u eegaan macluumaadka ay uruuriyeen tani oo socon doonto ilaa bartamaha bisha Saddexaad ee sanadkan sida ay shaacisay guddoomiyaha guddiga adeegga dadweynaha ee ismaamulka Garissa Ceebla Sahal.