DHAGEYSO:Barasaabka Trans Nzoia oo ka hadlay dhibaatooyinka haysta ciidamada la dagaallamaya burcadda

0
302

Guddoomiyaha ismaamulka Trans Nzoia, George Natembeya ayaa sheegay in aan la joogin xilligii laga hadli lahaa arrimaha siyaasadda maadaama doorashooyinkii laga soo gudbay balse ay tahay in wax laga qabto tabashooyinka shacabka oo ay ka mid tahay xallinta amni darrada ka jirto gobolka Rift Valley.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ciidamada la dagaallamaya kooxaha burcadda ee gaysanaya dilalka iyo dhaca xoolaha aan la siin lacago gunnooyin ah.

Madaxweynaha oo arrintan ka jawaabayay ayaa sheegay inuu wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki amar ku siiyay inuu ka wareego xafiiskiisa Nairobi oo uu ku sugnaado Waqooyiga gobolka Rift Valley ilaa inta laga soo afjaraya falalka burcadnimo ee ismaamullada halkaasi ku yaalla saameeyay.