DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo Raila ugu baaqay inuunan cabsi gelin xildhibaannada

0
308

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya, Raila Odinga ugu baaqay inuusan cabsi ku beerin mudanayaasha baarlamaanka oo uu u oggolaado inay la shaqeeyaan cidda ay doonayaan.
Dhawaan ayay ahayd markii Mr. Odinga uu sagaal siyaasi oo ka tirsan xisbiga uu hoggaamiyo ee ODM oo xarunta State House kula kulmay madaxweynaha uu ka dalbaday inay is casilaan.
Hasa ahaate Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay inuu hoggaamiye kasta u sheegaya inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo si dalka loo horumariyo.
Waxaa uu intaasi ku daray in madaxda la soo doortay aynan u baahnayn inay qof fasax ka qaataan marka ay ka shaqeynayaan danaha dadweynaha.

Hadalkan ayuu shalay ka sheegay ismaamulka Nakuru oo uu uga qayb galay munaasabad duco ah.