Saraakiisha waaxda dambi baarista ayaa gacanta ku dhigay afar arday oo jaamacad dhigto.
Waxaa ardaydan looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin falal burcadnimo oo awood loo adeegsaday kuwaaso ka dhacay Ruai, Juja, Kayole iyo xaafadaha kale ee Nairobi.
Tani ayaa timid ka dib markii saraakiisha booliiska ee ka howlgalo deegaannada Makadara, Ruai, Embakasi iyo Kayole ay xireen arday 19 sano jir ah oo wax ka barta jaamacadda Kenyatta University .
Waaxda DCI-da ayaa sheegtay in tuhmanaha la qabtay ka dib xog sirdoon oo la helay taasoo tilmaamaysa inuu xubin ka yahay koox burcad ah.
Intaasi ka dib waxaa uu saraakiisha geeyay guri ay deggan yihiin saddex kale oo ay saaxiibbo yihiin oo ku yaalla deegaanka Juja.
Waaxda dambi baarista ayaa laga soo xigtay in howlgal laga sameeyay guriga lagu soo helay bastoolad,rasaas iyo labo kombiyuutar oo la rumeysan yahay in la soo xaday.
Afarta eedeysanayaal ayaa hadda ku jiro saldhigga booliiska ee deegaanka Juja waxayna marayaan baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.
4 VARSITY FRESHMEN BEHIND BARS FOR ROBBERY
Detectives are interrogating four university students believed to be part of a gang behind incidents of violent robberies in Ruai, Juja, Kayole and surrounding areas. This is after and undercover team of police officers pic.twitter.com/Sqs5ILcdks
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) February 12, 2023
been stolen property among other items. The scene was processed by crime scene detectives based at DCI Thika and the supects escorted to Juja police station l pending further interrogation and arraignment before court.
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) February 12, 2023




