Bangiga DIB oo haween siiyay tababar ganacsi

0
321

Bangiga DIB Bank Kenya ayaa magaalada Nairobi ku qabtay tababar haweenka lagu fahansiinayay arrimaha ganacsiga iyo aqoonta maaliyadeed.
Tababarka ayaa si gaar ah loogu eegayay maalgelinta waafaqsan shareecada islaamka iyo fursadaha la xiriira ee bannaan.
Barnaamijkan oo ka dhacay maqaaxida Ole Sereni ee caasimadda dalka ayaa waxaa ka qayb galay in ka badan 200 oo haween ah.
Sii hayaha xilka madaxa fulinta ee bangiga DIB Bank Kenya ,Rose Kagucia ayaa sheegtay in la joogo xilligii jiilka hadda nool la bari lahaa arrimaha ganacsiga iyo maaliyadda.
Barasaabka ismaamulka Garissa, Nathiif Jaamac Aadan ayaa dhankiisa sheegay in tababarrada noocani ah ay haweenka fursad u siinayaan inay wax badan ka ogaadaan keydsashada lacagaha.