DHAGEYSO:6 qof oo afar ka mid ah ay booliis yihiin oo lagu dilay Turkana

0
270

Koox burcad oo weerar ka gaysatay ismaamulka Turkana ayaa dishay 6 qof oo 4 ka mid ah ay ka tirsanayeen ciidamada booliiska dalka.
Weerarka ayaa ka dhacay waddada wayn ee u dhexeysa magaalooyinka Kitale iyo Lodwar gaar ahaan aagga loo yaqaano Kaakong.
Waxaa ay dhaawacyo soo gaareen toddobo sarkaal oo booliis ah oo uu ka mid yahay taliye deegaan.
Weerarka ayaa lagu qaaday baabuur rakaab siday oo ay ilaalo u ahaayeen ciidamada .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in falkan ay gaysatay koox burcad oo tiro ahaan dhan ilaa 300 oo xubnood.
Mid ka mid ah shacabka ku nool magaalada Lodwar ee ismaamulka Turkana ayaa walaac ka muujiyay dhacdooyinka amni darro ee soo noqnoqday.

Xildhibaanka deegaanka Koonfurta Turkana Dr. John Ariko ayaa dhankiisa dowladda dhexe ugu baaqay inay qaado tallaabooyin ay ka mid tahay shaqaaleysiinta ciidamada booliiska keydka ee KPR-ta.