Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in wasiirkii hore ee wasaaradda tacliinta Prof. George Magoha oo geeriyooday 24-kii bishii hore oo meydkiisa shalay la aasay uu xaqiijiyay in boqolkiiba boqol ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe inay u gudbaan dugsiyada sare.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tani ay noqotay guushii ugu horreysay ee dhanka waxbarashada oo uu gaaro dal ka mid ah waddamada ka hooseeya saxaraha Afrika.
Uhuru Kenyatta oo ku sugnaa ismaamulka Siaya ee gobolka Nyanza ayaa xusay in Prof. Magoha uu ahaa aqoonyahan sare oo ay ka go’anayd xoojinta sinnaanta la xiriirta helidda tacliinta.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in Magoha uu ka shaqeeyay in canug kasta oo kenyaan ah uu fursad u helo waxbarashada.
Prof. George Magoha ayaa ahaa wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka intii u dhexeysay sanadkii 2019 ilaa 2022-kii waxaana si wayn loogu bogaadiyay doorkii uu ka qaatay dhaqangelinta manhajka tacliinta ee CBC.




