Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta guddoomiyay shir lagu tilmaamay mid muhiim ah oo ay ka qayb galeen barasaabyada 47-da ismaamul ee ay Kenya ka kooban tahay.
Shirkan ayaa ah midkii Sagalaad ee isku duba ridaya shaqooyinka dowladda dhexe iyo ismaamullada.
Kulanka uu madaxweynaha dalka magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru uu kula yeeshay barasaabyada ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua.
Ujeeddada shirka ayaa ah in xal loo helo ismari waaga u dhexeya labada heer ee dowladda gaar ahaan qaabka ay u qaybsanayaan dakhliga qaran.
Arrintan oo aan xal waara laga gaarin ayaa caqabad ku noqotay howlaha dowlad deegaannada.
Kulanka ayaa sidoo kale looga arrinsan doonaa in la soo dhiso maamulka xaqiijinta amniga ismaamullada arrimaha beeraha , caafimaadka, biyaha, maareynta kheyraadka sida waddooyinka iyo dekadaha.
Ismari waaga u dhexeya labada dhinac ayaa yimid ka dib markii barasaabyada ay ku adkeysteen in miisaaniyad sanadeedkan dhaqaalaha loo qoondeynaya oo hadda ah 370 bilyan oo shilin in loo kordhiyo oo laga dhigo 425 bilyan.
Hasa ahaate ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa cadeeyay in dowladda dhexe aynan hadda hayn dhaqaale ay ku fulin karto dalabaadka guddoomiyaasha ismaamullada.
William Ruto ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in dowlad deegaannada ay halbowle u yihiin horumarka qaranka.
Waxaa uu sheegay in marka la eego horumarka la gaaray tobankii sano ee la soo dhaafay ay ka go’an tahay in ismaamullada miisaaniyadooda lagu wareejiyo xilliga habboon oo aan lagala dib dhicin.
Madaxweynaha ayaa sheegay in tani ay xoojinayso nidaamka dowlad wadaajinta sidoo kalena ay sare u qaadayso iskaashiga labada dhinac si gaar ah wax soo saarka beeraha ,amniga, caafimaadka iyo guriyeynta.
PRESIDENT RUTO: WE WILL ENSURE COUNTIES GET FUNDS ON TIME
President @WilliamsRuto has committed to timely disbursement of funds to County Governments.
He said this will hasten devolution and smoothen service delivery. pic.twitter.com/sog3NiLswq
— State House Kenya (@StateHouseKenya) February 10, 2023
Deputy President @rigathi, Council of Governors Chairman @AnneWaiguru, National Assembly Speaker @HonWetangula, Senate Speaker @governorkingi, Attorney General @HonJBMuturi , Governors, among other guests, were present. pic.twitter.com/PnQ62tzhVz
— State House Kenya (@StateHouseKenya) February 10, 2023