Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa shacabka Kenyaanka ah ka codsatay inay u soo gudbiyaan xogta shan eedeysane oo lala xiriirinayo inay xiriir la leeyihiin kooxaha Al-Qaacida iyo Al-Shabaab.
Afar ka mid ah eedeysanayaasha ayaa la rumeysan yahay inay ku lug lahaayeen weerarradii ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa dadka rayidka ah iyo ciidamada ammaanka ee ka dhacay ismaamulka Lamu iyo deegaanka Boni, halka tuhmanaha shanaad uu ku lug lahaa weerarkii lagu baaba’ay ee ka dhacay jaamacadda ismaamulka Garissa ee sanadkii 2014-kii.
DCI-da ayaa magacyada raggan ku sheegtay Ramadhan Hamisi, Axmad Cumar Saciid oo loo yaqaano Dogo Tabibu, Maalim Yuusuf Xasan Cabdullahi, Maalim Cabbaas oo loo yaqaano Cabbaas Guyo kaas oo lala xiriirinaya weerarkii lagu laayay ardayda ee ka dhacay jaamacada Garissa.
WANTED TERROR SUSPECTS
The Directorate of Criminal Investigations is appealing to members of the public to volunteer information that may lead to the arrest of five (5) dangerous terror suspects, linked to the Alshabab terror network. pic.twitter.com/onWZ33IoDI
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) February 9, 2023
do not hesitate to reach us through the anonymous #FichuakwaDCI Hotline number 0800 722 203 or the police hotline number 999.
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) February 9, 2023