Nuurdiin Xaaji oo difaacay kiisas laga saaray maxkamadda

0
260

Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji oo wareysi bixiyay ayaa difaacay go’aamo dhawaan meesha looga saaray dacwado ka dhan ahaa shakhsiyaad magac leh.
Mr. Xaaji ayaa xusay inuunan marnaba ka qoomamaynayn tallaabooyinka lagu soo afjaray kiisaskan.
Waxaa dadkan ka mid ah madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua iyo wasiiradda adeegga dadweynaha Aisha Jumwa.
Waxaa uu intaasi ku daray in markii ay dacwadahan gudbinayeen ay ku saleeyeen macluumaadka waaxda dambi baarista wadanka ee DCI.
Hasa ahaate agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka ayaa hadda sheegaya in baaritaannada qaar lagu marin habaabiyay.
Nuurdiin ayaa carrabka ku adkeeyay inay dib ka ogaadeen dokumeentiyo badan oo sidii la rabay aan loo eegin.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in xafiiska uu hoggaamiyo uu hadda dib u eegis ku sameynaya kiisas badan oo la xiriira falal dambiyeedyada guud ahaan wadanka.
Waxaa uu ku celceliyay in haddii aan kiiska loo hayn caddeymo wax ku ool ah oo loo cuskan karo aynan jirin sabab uu maxkamadda u sii hor yaalla.