Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Maanta waxay deegaano kamid ah gobolka Gedo ka bilaabeen howlgallo kala duwan.
Ciidamada oo ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya ayaa waxay howlgalka ka bilaabeen degaano hoostaga degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, halkaas oo shalay Gelinkii dambe ay Ciidamadaasi gaareen sida ay wararku sheegayaan.
Taliyaha howlgelinta Gobolada Jubbooyinka ee Ciidnaka dowladda Soomaaliya Bakaal Kooke oo howlgalka hoggaminaya ayaa sheegay in ujeedkoodu yahay sugida amniga iyo ka hortegida weerarada Ururka Al-Shabaab ay goboladaas ka gaystaan.
Sidoo kale Taliyaha wuxuu sheegay in howlgalka uusan joogsan doonin ilaa ay ka xaqiijinayaan amniga dhamaan tuulooynka hoostaga degmada Beled-Xaawo oo mararka qaar ay weeraro kala duwan ka dhacaan.