Guddi ay ku mideysan yihiin shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay oo ay dowladda dhexe u xil saartay ka falcelinta saameynta abaarta ayaa kenyaanka ka codsaday inay caawimaad dheeraad ah u fidiyaan dadka wajahaya culeysyada nololeed.
Guddoomiyaha guddigan ahna madaxa fulinta ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom Peter Ndegwa ayaa sheegay inay qorsheynayaan in dhammaadka bishan ay uruuriyaan hal bilyan oo shilin.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in weli ismaamullo dhowr ah laga dareemaya saameynta abaarta.
In ka badan 4 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar cunno.
Sidoo kale ilaa 130,000 oo isugu jiro carruur iyo hooyooyin uur leh ayaa wajahaya nafaqo xumo.
Dhanka kale qaar ka mid ah dadweynaha ku nool ismaamulka Lamu ee gobolka Xeebta ayaa dowladda ka codsaday inay gaarsiiso gargaar cunno.




