Koome oo sheegay in saraakiisha booliiska aynan xalay tagin hooyga Matiang’i

0
353

Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome ayaa bayaan ku sheegay inuunan jirin askari ka tirsan booliiska wadanka oo xalay tagay hooyga wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i.
Tani ayaa imaanaysa saacado ka dib markii qareennada wasiirka hore ay sheegeen in ciidamada ammaanka ay isku hareereeyeen guriga oo ku yaalla xaafadda Karen ee magaalada Nairobi si ay gacanta ugu dhigaan Matiang’i.
Qareennada oo uu hor kacayay Danstan Omari ayaa xalay booliiska ku eedeyay dhibaateyn iyo cabsi gelin.
Omari ayaa xusay in wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo maamulka qaran uu diyaar u yahay inuu iska xaadiriyo saldhigga booliiska ee looga yeero haddii ay jiraan eedeymo loo haysto.
Sidoo kale madaxa fulinta ee guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC Mr. Twalib Mbarak ayaa beeniyay in saraakiisha dambi baarista ee guddiga ay xalay howlgal ka sameeyaan hooyga Fred Matiang’i.
Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in garyaqaannada ay maanta tagayaan maxkamadda si ay u soo helaan amar looga hor tagaya in la xiro wasiirkii hore ee arrimaha gudaha.