Madaxweynaha Eritrea oo soo gaaray Kenya

0
338

Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa booqasho labo cisho ah waxaa uu ku yimid Kenya.
Waxaa gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Dr.Alfred Mutua iyo dhigiisa difaaca Aadan Barre Ducaale.
Wasiir Ducaale ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Kenya iyo Eritrea uu ka dhexeyo xiriir wanaagsan oo soo jireen ah.
Waxaa uu intaasi ku daray inay ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga labada dhinac.
Hoggaamiyaha Eritrea ayaa inta uu ku sugan yahay dalka waxaa uu kulan laba geesood ah la qaadan doonaa madaxweyne William Ruto.