Dacwad ka dhan ahayd agaasimihii Kenya Power oo meesha laga saaray

0
270

Maxkamadda dalka laanteeda qaabilsan dhageysiga dacwadaha la xiriira musuqmaasuqa ayaa waaxda dacwad oogidda wadanka ee uu hoggaamiyo Nuurdiin Xaaji u oggolaatay inay meesha ka saarto kiis ay horay u gudbisay.
Kiiskan oo ka dhan ahaa agaasimihii guud ee hore ee shirkadda korontada dalka Ken Tarus ayaa ku saabsanaa in lagu takriifalay 159 milyan oo shilin.
Tani ayaa timid ka dib markii dacwaddan loo waayay caddeymo wax ku ool ah oo loo cuskan karo.
Garsoore Elizabeth Juma aya sheegtay in maxkamaddu aynan sii wadi karin kiiskan sidoo kalena aan waaxda ODPP lagu qasbin karin .
Hasa ahaate agaasimaha waaxda dacwad oogidda wadanka Nuurdiin Xaaji ayaa sheegay inay sii socon doonaan kiisaska ka dhanka ah ilaa Siddeed qof oo kale oo loo haysto inay qaab khiyaano ah qandaraasyo ku siiyeen shirkado taasoo lagu lunsaday 159 milyan.