Kenya iyo Ingiriiska oo ka wada shaqeynaya la dagaalanka maandooriyaha

0
279

Dowladaha Kenya iyo Ingiriiska ayaa ku heshiiyay inay iska kaashadaan la tacaalidda ka ganacsiga daroogada.
Boqortooyada UK ayaa dhanka kale Kenya ku caawisay agab loo adeegsan karo howlgallada si loo soo saaro maandooriyaha qaabka qarsoodida ah lagu gudbiyo.
Tani ayaa timid ka dib markii wafdi uu hoggaaminayay agaasimaha howlaha caalamiga ee xafiiska arrimaha gudaha ee Ingiriiska Nick Fowler ay booqasho ugu tageen agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da Aamiin Maxamad.
Intii uu kulanka socday, labada agaasimeyaal ayaa ka wada hadlay dhinacyada ay iska kaashan doonaan gaar ahaan ka hor tagga ganacsiga xashiishka.
Nick Fowler ayaa dhammaan hay’adaha dambi baarista ugu baaqay inay wadagaan xogaha sirdoonka si loo burburiyo meelaha uu ganacsigan sharci darrada ah ku xooggan yahay.