Maxkamadda racfaanka oo laashay codsiga Kidero

0
243

Maxkamadda racfaanka ee dalka ayaa dhinac iskaga dhigtay codsi uu u gudbiyay barasaabkii ugu horreeyay ee ismaamulka Nairobi Dr. Evans Kidero.
Waxaa uu doonayay in la joojiyo geeddisocodka dacwad isaga ka dhan ah.
Guddiga anshaxa iyo dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa doonaya inuu Kidero kala wareego hanti dhan 58 milyan oo shilin oo la sheegay inuu ku helay qaab sharci darro ah xilligii uu hoggaaminayay caasimadda dalka.