Bangiga adduunka oo maalgelinaya Hustler Fund

0
253

Bangiga adduunka ayaa ballanqaaday inuu taageeri doono sanduuqa Hustler Fund ee ay dowladda dhexe ugu talagashay in ganacsatada yaryar ay ka qaataan amaah lacageed.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxweynaha dalka William Ruto uu xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi uu ku qaabilay wafdi ay hoggaaminaysay ku xigeenka madaxa World Bank ee Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria Kwakwa.
William Ruto ayaa soo dhaweeyay taageerada uu bangigu ballanqaaday.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay kaalin wayn ka qaadan doonto in sanduuqa Hustler Fund uu noqdo mid ay dad badan ka faa’iidaystaan oo wax ka beddela nolosha malaayiin kenyaan ah.
Amaahda ay dowladda bixiso ayaa sanadkiiba leh dulsaar dhan boqolkiiba 8.