Guddi soo jeediyay inuu xafiiska banneeyo garsoore Chitembwe

0
175

Guddi uu bishii Shanaad ee sanadkii 2022-kii madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta uu u magacaabay inuu baaritaano ku sameeyo garsoore Saciid Juma Chitembwe ayaa ku taliyay in xaakinka uu xafiiska banneeyo.
Waxaa guddigan hoggaaminaysay garsoore Mumbi Ngugi.
Warbixin ay u gudbiyeen madaxweynaha dalka William Ruto ayay ku sheegeen inay ku qanceen eedeymaha loo jeediyay xaakinka ee ah inuu musuqmaasuq ku lug yeeshay.
Baaritaannada ka dhanka ahaa Saciid Juma Chitembwe ayaa soo billowday ka dib markii barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko uu guddiga adeegga garsoorka ee JSC uu dacwad hor dhigay.
Waxaa sidoo kale xilligaasi xaakinka dacwad ka gudbiyay qof lagu magacaabo Mr .Francis Wambua oo ku eedeyay habdhaqan xumo.
JSC ayaa intaasi ka dib Uhuru Kenyatta kula talisay inuu soo saaro guddi xaqiijinaya waxyaabaha lagu eedeeyay garsooraha.