Wasiirrada oo aaska Magoha ku biiriyay 1.2 milyan oo shilin

0
268

Xubnaha golaha wasiirrada ee dalka ayaa lacag dhan 1.2 milyan oo shilin ku biiriyay qabanqaabada aaska wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada Prof. George Magoha.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday wasiirka wasaaradda isgaarsiinta Eliud Owalo oo lacagtan guddoomay.
Waxaa uu Owalo carrabka ku adkeeyay in lacagtan ay tahay mid ay wasiirrada si shakhsiyeed u bixiyeen.
Prof. George Magoha oo geeriyooday 24-kii bishii hore ayaa la qorsheynaya in meydkiisa la aaso 11-ka bishan labaad.