Guddiga PSC oo sheegay inuu bannaan yahay xilka afhayeenka dowladda

0
240

Guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ayaa shaaciyay inuu bannaan yahay xilka afhayeenka dowladda dhexe sidaas awgeedna cidii daneynaysa ay haysato fursad ay codsi ku dirsan karto.
Waxaa arrinkan maanta shaaca ka qaaday madaxa fulinta ee PSC ,Simon Rotich.
Mas’uulkan ayaa xusay in codsiyada la qaban doono ka hor ama ugu dambeyn 5-ta galabnimo ee 27-ka bishan labaad.
Shuruudaha laga doonaya inuu qofka buuxiyo waxaa ka mid ah inuu yahay muwaadin sidoo kalena uu ilaa 15 sano ka shaqeynayay saxaafadda ama isgaarsiinta , saddex sano oo muddadan ka mid ah uu hayay xilka agaasimaha iyo jago la mid ah.
Xilka afhayeenka dowladda dhexe ee uu guddiga PSC xayeysiinaya ayaa waxaa horay u hayay Cyrus Oguna.