Xoghayaha waaxda qurbajoogta oo sheegtay in qof kenyaan ah uunan ku dhiman Syria iyo Turkiga

0
233

Xoghayaha waaxda qurbajoogta ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Roseline Njogu ayaa sheegtay in dhacdooyinka dhulgariirka ee saameeyay waddamada Syria iyo Turkiga uunan ku dhiman muwaadin kenyaan ah.
Waxay intaasi ku dartay in aan sidoo kale lagu soo wargelin dhaawac soo gaaray muwaadiniinta dalka ee waddamadaasi ku nool.
Xoghayaha ayaa hoosta ka xarriiqday in safaaradda Kenya ee Turkiga ay diyaarisay nambar toos ah oo ay ehellada kala xiriiri karaan si ay wax uga ogaadaan dadkooda.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ilaa saaka tirada dadka ku dhintay dhul gariirka ku dhuftay dalalka Syria iyo Turkiga ay gaartay ugu yaraan 4,372 qof.