DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in lagu heshiiyay in qof kasta uu canshuur bixiyo

0
314

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu shalay ku sugnaa xaafadda Ruai ee deegaanka Kasarani ee ismaamulka Nairobi waxaa uu sheegay in lagu heshiiyay in qof waliba oo kenyaan ah uu canshuurta bixiyo iyadoo aynan jirayn cid laga cafinaya.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in qof waliba ay qasab ku tahay bixinta canshuurta iyadoo aan la eegayn mansabkiisa bulshada dhexdeeda.
Tani ayuu ku tilmaamay inay tahay sida keliya ee wadanka loogu fududeyn karo deymaha shisheeye sidoo kalena loo xaqiijin karo horumarka.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa gaashaanka u daruuray eedeymaha loo jeedinaya ee ah in ka hadalka canshuurta uu ka leeyahay dano siyaasadeed.

Madaxweynaha dalka ayaa dhanka kale maamulka canshuuraha ee KRA ugu baaqay inuu kenyaanka fursad u siiyo bixinta canshuurta iyagoo aan la dhibin.

Waxaa uu dhanka kale hay’adaha dowladda ku amray in khilaafka kala dhexeya KRA aynan la tiigsan maxkamadaha balse ay ka heshiiyaan.
William Ruto ayaa xusay in marnaba uunan oggolaan doonin in kheyraadka dadweynaha lagu bixiyo arrin lagu xallin karo qaab maxkamadda ka baxsan isagoo intaasi ku daray in amarkan dhawaan lagu soo saari doono wareegto.