Stephen Leliman oo ay dhawaan maxkamadda wiilkiisa Fredrick Leliman dil ku xukuntay ayaa kenyaanka iyo si gaar ah qoyska dhibbanayaasha u raaligeliyay.
Fredrick oo horay uga tirsanaa ciidamada ammaanka ayaa lagu helay dembi ah inuu sanadkii 2016-kii dilay Willie Kimani, Josphat Mwenda iyo Joseph Muiruri.
Aabaha ayaa hoosta ka xarriiqay in dilkaasi uu nasiib darro ahaa sidaas awgeedna uu dadweynaha iyo qoysaska saddexda qof ee ay arrintan saameysay uu ka raaligelinaya wixii dhacay.




