Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka 27 qof oo lagu dilay Suudaanta Koonfureed

27 qof oo lagu dilay Suudaanta Koonfureed

Rabshado ka dhacay gobolka ku yaalla bartamaha Suudaanta Koonfureed ee Equatoria ayaa waxaa ku dhintay 27 ruux.
Tani ayaa timid ka dib markii uu iskudhac dhex maray xoolo dhaqato iyo kooxo maleeshiyaad ah.
Dhacdadan ayaa ku soo aadeyso iyadoo lagu wada in maanta dalka Suudaanta Koonfureed uu gaaro baadariga ugu wayn kaniisadaha katholigga Pope Francis.
Pope Francis ayaa ka soo dhaqaaqaya dalka jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC oo maalmihii la soo dhaafay uu ku sugnaa.
Waxaa la filayaa inuu madaxda dalka Koonfurta Suudaan kala hadlo soo nooleeynta geeddisocodka nabadeed ee looga gol leeyahay in lagu soo afjaro colaadda tobanka sano ah ee u dhexeysay qowmiyado halkaasi dego.
Pope Francis oo 86 sano jir, ayaa booqashadiisii saddexaad ku tagaya dalalka saxaraha ka hooseeya ee qaaradda Afrika, tani iyo sanadkii 2013-kii xilligaasi oo uu noqday baadariga ugu wayn kaniisadaha katholigga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments