Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Booliiska Kisii oo raadinaya macallimiin lagu eedeeyay inay caruur ku qasbeen falal...

Booliiska Kisii oo raadinaya macallimiin lagu eedeeyay inay caruur ku qasbeen falal anshax xumo ah

Ciidamada booliiska ee dowlad deegaanka Kisii ayaa xabsiga u taxaabay toddobo macallin kuwaas oo maalin ka hor lagu arkay muuqaal baraha bulshada lagu faafiyay oo laga dheehanayay arday da’ yar oo lagu qasbayo fal anshax xumo ah.
Arrintan ayaa laga soo tabiyay dugsiga hoose dhexe ee Itumbe DOK oo ku yaalla deegaanka Nyamache ee ismaamulka Kisii..
Taliyaha booliiska deegaanka Nyamache ayaa sheegay inay u baahan yihiin in macallimiintaa xabsiga ku sii hayaan muddo toddobaad ah, si loo soo gabagabeeyo baaritaanada socda ee ku saabsan dhacdadan.
Shakhsiyaadkan ayaa la xiray ka dib markii mas’uuliyiin ka socda wasaaradda waxbarashada ee dalka iyo dowlad deegaanka Kisii ay dugsigaasi booqdeen iyadoo muuqaalka baraha bulshada la faafiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments