Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Taliyaha guud ee booliiska oo ka hadlay in la dhimay ilaalada Uhuru

DHAGEYSO:Taliyaha guud ee booliiska oo ka hadlay in la dhimay ilaalada Uhuru

Taliyaha guud ee ciidanka booliiska wadanka Japhet Koome ayaa xaqiijiyay warbixinnada ku saabsan in la dhimay ciidamada ilaalinayay madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta.
Warbaahinta gudaha wadanka ayaa sidoo kale tabisay warar ah in la yareeyay ilaalada wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr.Fred Matiangi iyo xoghayihii joogtada ee wasaaradaasi Karanja Kibicho.
Mr. Koome ayaa carrabka ku adkeeyay in isbeddelladan ay yihiin kuwo caadi ah oo aan laga lahayn niyad xumo ama dano siyaasadeed.
Waxaa uu ku celceliyay in marka la eego baahida jirta aynan suurtagal ahayn in mas’uul horay xil u hayay iyo mid hadda xafiiska joogo ay ilaaliyaan tiro siman oo ciidamo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments