Madaxweyne ku xigeenka dalka oo sheegay inay qasab tahay in qof kasta uu canshuur bixiyo

0
292

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in dowladda dhexe ay xaqiijin doonto in muwaadin kasta uu bixiyo canshuurta iyadoo la raacaya xeerarka dastuuriga ah.
Gachagua oo arrintan ka hadlay xilli uu shalay magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta uu ku soo xirayay kulan ayaa carrabka ku adkeeyay inaysan jiri doonin cid laga cafinaya bixinta canshuurta.
Hoggaamiyaha labaad ee Kenya ayaa xusay in ujeeddada laga leeyahay arrintan ay tahay in wadanka la horumariyo iyadoo la adeegsanaya kheyraadka qaran.
Waxaa uu sheegay in dhaqaalaha wadanka uu ku yimid hoos u dhac ballaaran sidaas awgeedna xalka lagu kobcin karo ay tahay in sare loo qaado dakhli uruurinta.
Dowladda dhexe ayaa qorsheynaysa inay sanad kasta uruuriso dakhliga canshuuraha oo gaaraya 3 triliyoon oo shilin.