Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya NCIC oo Raila ugu baaqday inuu joojiyo isku soo baxyada

NCIC oo Raila ugu baaqday inuu joojiyo isku soo baxyada

Guddoomiyaha guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC Samuel Kobia ayaa madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja- One Kenya Raila Odinga ugu baaqay inuu baajiyo isku soo baxyada uu qorsheeyay.
Waxaa uu u soo jeediyay inuu go’aankan qaato isagoo u daneynaya xasiloonida iyo dhaqaalaha qaranka.
Kobia ayaa hoosta ka xarriiqay in guddiga uu walaac ka muujinaya hadal naceyb ku saleysan iyo kicin dadweyne oo lagu faafinaya baraha bulshada.
Siyaasiyiinta ayuu dhanka kale ka codsaday inay aad uga fiirsadaan hadallada ay ka jeediyaan isku soo baxyada iyo goobaha fagaaraha ah si aynan dadweynaha u kala qaybin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments