Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka IGAD oo sheegtay in 36 milyan oo qof ay abaar saameysay

IGAD oo sheegtay in 36 milyan oo qof ay abaar saameysay

Urur goboleedka IGAD ayaa sheegay in abaarta ku dhufatay gobolka ay saameysay qiyaastii 36.1 milyan oo qof.
Waxaa abaarta ku nafwaayay ilaa 4.2 milyan oo neef oo xoolo ah.
IGAD ayaa si wax looga qabto dhibaatada jirta waxay ku baaqday in 20-ka bishan labaad la qabto shir goboleed ku saabsan isbeddelka cimillada
Xoghayaha fulinta ee IGAD Workneh Gebeyehu ayaa laga soo xigtay in ujeeddada shirka ay tahay in waddamada xubnaha ka ah urur goboleedkan lagu dhiirigeliyo inay xilli hore uruuriyaan macluumaadka la xiriira saadaasha dhanka musiibooyinka.
Uru goboleedka IGAD waxaa xubno ka ah Siddeed waddan sida Jabuuti , Itoobiya ,Kenya, Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed , Eritrea ,Suudaan , iyo Uganda.
Waxaa uu intaasi ku daray in tani ay fududeyn doonto in la daboolo gaabadka jira ee u dhexeya digniinnada xilli hore la soo saaro iyo tallaabooyinka la qaado.
Gebeyehu ayaa hadalkan ka jeediyay magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta oo uu ku soo bandhigayay khudbadda saddexaad ee IGAD ee xaaladda gobolka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments