Guddiga NCIC oo u digay siyaasiyiinta jeediya hadallada naceybka ku saleysan

0
289

Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in doorashadii guud ee wadanka ka qabsoontay 9-kii bishii Siddeedaad ee sanadkii hore ay ahayd mid nabad ah.
Waxaa uu guddiga hoosta ka xarriiqay in tani lagu xaqiijiyay qiimeyn iyo dabagal ay codeynta ku sameeyeen kormeerayaal qaran iyo kuwa caalami ah.
NCIC ayaa sheegtay in siyaasiyiinta hadallada ka jeediya isku soo baxyada siyaasadeed laga doonaya inay ogaadaan in lagula xisaabtamaya waxyaabaha ay sheegaan .
Guddiga ayaa xusay in si aan cabsi ama eexasho lahayn uu ula tacaalaya dhacdooyinka naceybka ku saleysan ee kala qaybin karo bulshada.
Guddoomiyaha NCIC ,Samuel Kobia ayaa madaxda ugu baaqay in aynan adeegsan hadallo keeni karo colaad salka ku haysa qabyaalad.