Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Wasiirka arrimaha gudaha oo gaaray Mandera

Wasiirka arrimaha gudaha oo gaaray Mandera

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof.Kithure Kindiki ayaa maanta gaaray ismaamulka Mandera ee gobolka Waqooyi Bari.
Waxaa safarkiisa ku wehelinaya saraakiil uu ka mid yahay ku xigeenka taliyaha guud ee booliiska Nuur Yarow Gaabow.
Kindiki ayaa kulamo la qaadanaya madaxda amniga ee Mandera si ay ula wadagaan caqabadaha ay wajahayaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu sidoo kale booqday xadka Kenya iyo Soomaaliya iyadoo shacabka Mandera ay doonayaan in dowladda ay furto soodhinta labada dal si loo fududeeyo howlaha ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha.
Kindiki ayuu qorshuhu yahay inuu u soo gudbo Wajeer ka hor inta uunan u sii ambabixin ismaamulka Marsabit.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments