Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Dalka Equatorial Guinea oo markii ugu horreysay yeeshay ra’iisul wasaare haweeney ah

Dalka Equatorial Guinea oo markii ugu horreysay yeeshay ra’iisul wasaare haweeney ah

Madaxweynaha dalka Equatorial Guinea , Teodoro Obiang Nguema ayaa xilka ra’iisul wasaaraha u magacaabay Manuela Roka Botey oo ah haweeneydii ugu horreysay ee jagadan qabato taariikhda wadankaasi.
Waxay horay u soo ahayd wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada.
Obiang oo 80 sano jir ah ayaa bishii 11-aad ee sanadkii hore markii 6-aad loo doortay hoggaanka ugu sarreeya ee Equatorial Guinea.
Wadanka Equatorial Guinea waxaa tan iyo sanadkii 1968-dii soo maray keliya labo madaxweyne.
Obiang ayaa bishii Siddeedaad ee sanadkii 1979-kii waxaa uu qaab afgembi ah hoggaanka uga tuuray adeerkiis Francisco Macias Nguema.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments