Xadgudubyo horay uga dhacay Nandi oo la xallinaya

0
262

Boqortooyada Ingiriiska iyo dowladda Kenya ayaa ku heshiiyay in la xalliyo tabashooyin ay muddo qabeen bulshada ku nool ismaamulka Nandi ee gobolka Rift Valley.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday danjiraha Ingiriiska ee Kenya Jane Marriott ka dib kulan ay la yeelatay barasaabka dowlad deegaanka Nandi Stephen Sang.
Waxay Marriott qirtay in Ingiriiska uu dadweynaha Nandi xadgudubyo u gaystay xilligii guumaysiga oo ay ka mid ahayd dilkii Koitalel Arap oo si wayn ula dagaallamayay guumaystihii ingiriiska.