Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetang’ula ayaa dacwad oogayaasha waddamada qaaradda Afrika ugu baaqay inay iska kaashadaan soo saaridda xeerar aan xaddidnayn oo lagula tacaali karo dembiyada ka dhaca gudaha qaaradda.
Waxaa uu sheegay in iyadoo laga faa’iidaysanaya horumarka tiknolojiyadeed in falalkan laga hortagi karo.
Wetang’ula ayaa carrabka ku adkeeyay in tiknolojiyadda ay dhanka kale sare u qaadday dembiyada oo kooxaha falakan gaystaan ay u muuqdaan kuwo xeelad ahaan ka horreeya dacwad oogayaasha.
Hadalkan ayuu ka jeediyay ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta oo ay dacwad oogayaasha Afrika ku yeesheen kulankoodii 16-aad ee sannadla ah.
Waxaa uu mas’uuliyiinta kula taliyay inay dejiyaan xeerar aan culeys dheeraad ah saarayn waaxda garsoorka si loo maareeyo dembiyada heer calami ee ay ka midka tahay argagixisada.