Guddi loo saaray qabanqaabada aaska Magoha

0
342

Waxaa la soo dhisay guddi loogu talagalay inuu isku dubarido qabanqaabada aaska wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada dalka Prof. George Magoha.
Tani ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii 28-kii bishan la aasay walaalkii oo horay u geeriyooday Prof. Richard Magoha.
Xoghayihii hore ee waaxda tacliinta aasaasiga ee wasaaradda waxbarashada Dr.Julius Jwan ayaa sheegay in guddigan ay xubno ka yihiin qoyska Magoha , dadkii ay horay u soo wada shaqeeyeen, saaxiibadiisi iyo howlwadeeno caafimaad.
Prof. George Magoha oo 24-kii bishii koowaad ee sanadkan ku geeriyooday isbitaalka Nairobi Hospital ayaa la aasi doonaa 11-ka bishan.
Waxaa uu ifka uga tagay xaaskiisa Dr. Odudu Barbara Magoha iyo wiil lagu magacaabo Michael Magoha.