Suleiman Shahbal oo loo doortay guddoomiyaha guddiga isgaarsiinta EALA

0
207

Suleiman Shahbal oo ka mid ah xildhibaannada golaha xeer dejinta bariga Afrika ee EALA ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga isgaarsiinta, ganacsiga iyo maalgashiga.
Shahbal ayaa sheegay in xilka loo dhiibay ay sharaf u tahay Kenya.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay tahay fursad uu wadanka ku xoojin karo xiriirka kala dhexeya waddamada kale ee bariga Afrika si loo wanaajiyo iskaashiga ganacsi sidoo kalena loo raadiyo fursado maalgashi oo dheeraad ah.
Waxaa uu ballanqaaday inuu xubnaha baarlamaanka EALA uu u horseedi doono inay diiradda saaraan arrimaha amniga iyo dhaqaalaha gobolka.
Mr. Shahbal ayaa xubnaha kale uga mahadceliyay kalsoonida ay u muujiyeen isagoo intaasi ku daray inay jiraan arrimo badan oo dhanka dhaqaalaha ah oo ay wadagaan waddamada gobolka.
Suleiman ayaa intaasi ku daray in aan loo baahnayn in badeecooyinka laga soo saaro waddamada xubnaha ka ah EAC loo iibgeeyo keliya dalalkan balse ay lagama maarmaan tahay in dibadda loo sii gudbo.
Waxaa uu sheegay in tobankii sano ee la soo dhaafay uu ka hadlayay baahida loo qabo in gobolka uu soo dhiso dallad dhaqaale sidaas awgeedna tani ay tahay qorshihiisa ugu horreeya ee uu mudnaanta koowaad siin doono.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay qasab tahay in meesha laga saaro xayiraadaha ganacsi ee jiro si loo kobciyo dhaqaalaha dalalka bariga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here