Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Wasiirka arrimaha gudaha oo digniin ka soo saaray ka ganacsiga maandooriyaha

DHAGEYSO:Wasiirka arrimaha gudaha oo digniin ka soo saaray ka ganacsiga maandooriyaha

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa xilli uu ku sugnaa deegaanka Kiambaa ee ismaamulka Kiambu waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ay si wayn ula dagaallami doonto ka ganacsiga maandooriyaha ee saameynta ku yeeshay nolosha da’yar badan.
Waxaa uu wacad ku maray in dowladda wax kasta oo ay ku qaadataba ay dabargoyn doonto ganacsigan.
Kindiki ayaa carrabka ku adkeeyay in gobolka bartamaha wadanka laga billaabi doono howlgal culus oo ka dhan ah balwadda.
Waxaa uu xusay in saraakiisha ammaanka ay adeegsan doonaan awood la mid ah midda ay kula tacaalayaan falalka burcadnimo iyo dhaca xoolaha ee ka jiro deegaannada xoolo dhaqatada.
Kindiki ayaa siyaasiyiinta iyo saraakiisha maamulka ee dowladda dhexe uga digay inay isaga la xiriiraan iyagoo codsanaya in la siidaayo qof loo xiray ka ganacsiga maandooriyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments