Madaxweynaha dalka William Ruto oo shir uga qayb galay magaalada Muqdisho ee wadanka Soomaaliya ayaa sheegay inay qasab tahay in dowladaha geeska Afrika ay burburiyaan isku xir kasta oo ay kooxaha argagixisada ah ka helaan taageero dhaqaale.
Tani ayuu sheegay inay tahay mas’uuliyad guud oo u taalla hoggaamiyaasha waddamadan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in lala yimaado hal istaraatiijiyad oo lagula dagaallamaya argagixisada iyo falal dambiyeedyada la xiriira.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa tilmaamay in haddii ay madaxdu dadaalkooda isu geeyaan ay awood u leeyihiin inay bulshada ka dhigaan mid xasiloon.
Ruto ayaa xusay inay qasab tahay in gebi ahaanba meesha laga saaro isku xirka argagixisada iyo kaabayaasha looga taageero dhinaca dhaqaalaha iyadoo dhanka kale laga hor tagaya xagjirnimada iyo dacaayadda mayal –adeeyga ku saleysan.
Shirka uu William Ruto shalay kala qayb galay madaxda kale ee gobolka ayaa diiradda lagu saarayay xasilinta dalka Soomaaliya iyo ciribtirka argagixisada.
Waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u istaagaan sidii ay dalkooda dib ugu xoreyn lahaayeen.
William Ruto ayaa si gaar ah u dul istaagay muhiimadda ay leedahay in bulshada maxalliga ah laga qayb geliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyadoo arrinkan si geesinnimo leh loo wajahaya.
Bayaan ka soo baxay madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ee magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay in Ruto uu dhigiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku bogaadiyay go’aanka adag ee istaraatiijiga ah ee uu qaatay iyo guulaha laga soo hooyay ee hadda laga dareemaya qaybo ka mid ah Soomaaliya.
William Ruto ayaa sheegay in si loo joogteeyo guulaha la gaaray loo baahan yahay in sare loo qaado abaabulka ciidamada ammaanka , sirdoonka iyo kheyraadka maaliyadeed.
RUTO: WE MUST RUTHLESSLY DISMANTLE TERROR NETWORKS IN THE HORN OF AFRICA
President @WilliamsRuto has said the war against terrorism in the Horn of Africa calls for a collective effort. pic.twitter.com/cgwNYss95P— State House Kenya (@StateHouseKenya) February 1, 2023
“This can be achieved by enhancing the complementary mobilisation of law enforcement, intelligence and financial resources.”
Somalia President Hassan Sheikh Mohamud, Djibouti President Ismail Omar Guelleh, Ethiopia Prime Minister @AbiyAhmedAli, among other leaders, were present. pic.twitter.com/CZ54sEMOZt
— State House Kenya (@StateHouseKenya) February 1, 2023