Waaxda tareennada dalka oo macaamisheeda ka qaadi doonin lacago caddaan ah

0
346

Waaxda tareennada dalka ayaa laga billaabo maanta meesha ka saartay qaadashada lacagaha caddaanka ah ee lagu iibsanayo tigidhadeeda dhammaan xarumaha uu maamulkan ku leeyahay wadanka.
Bayaan ay waaxdan soo saartay ayay macaamisheeda ku wargelisay in kaliya la aqbali doono in lacagaha lagu iibsanayao tigidhadeeda lagu bixiyo qaab casri oo dijitaal, sida adeegyada Mpesa iyo kaararka bangiyada ee loo yaqaano Credit Cards.
Isticmaalka qaabka casriga ee lacagaha la isigu diro ayaa lagu ammaanay inay xakameysay xatooyada hantida dadweynaha.
Waaxda tareennada dalka ayaa xustay in isbeddelladan ay yihiin kuwo waafaqsan qorshaha maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza ee ah in boqolkiiba 95 ee adeegyada dowladda ay u fidiso shacabka in laga dhigo kuwo casri ah si bixinta adeegyada dadweynaha ay u noqoto mid wax ku ool ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here