Wasiirka waxbarashada “Mamnuuc waaye in ardayda ay dugsiyada tagaan ka hor inta uunan waaga baryin”

0
379

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu ayaa mamnuucay in ardayda ay dugsiyada tagaan ka hor inta uunan waaga baryin ama marka ay qorraxda dhacdo ka dib ay halkaasi ku sugnaadaan.
Waxaa uu sheegay inay mamnuuc tahay in ardayda ay casharro qaataan waqti ka baxsan xilliga rasmiga ee loogu tala galay.
Jadwalka wasaaradda tacliinta ayaa qeexaya in ardayda wax la bari karo Isniinta ilaa Jimcada laga billaabo 8-da subaxnimo ilaa 3.30 galabnimo iyadoo inta u dhexeysa 3.30 ilaa 4.45 galabnimo loogu talagalay howlaha kale ee aan toos ula xiriirin waxbarashada.