Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya KENHA oo 13.9 milyan ku ganaaxday mid ka mid ah wadayaasha baabuurta...

KENHA oo 13.9 milyan ku ganaaxday mid ka mid ah wadayaasha baabuurta xamuulka

Maamulka qaran ee qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee (KENHA) ayaa darawal waday gaari xamuul ah ku ganaaxday lacag dhan 13.9 milyan oo shilinka dalka ah.
Shakhsigan ayaa lagu eedeyay inuu ku xadgudbay shuruucda waddooyinka, islamarkaana gaariga xamuulka uu waday tan ka badan intii loogu talagalay.
Gaariga xamuulka ah oo carro siday ayaa waxaa habeenimadii Khamiista waddada Mombasa road ee magaalada Nairobi ku hakiyay saraakiisha maamulka KENHA iyo ciidamada ilaalada waddooyinka ee taraafikada.
Gaariga xamuulka ah ayaa lagu helay dambi ah inuu siday culeys ka mug wayn intii loogu talagalay.
Sharciga xamuulka ee dalka ayaa dhigaya in qofkii lagu helo dambigan lagu ganaaxo lacag dhan 13,987,323 oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments