DHAGEYSO:Madaxweynaha oo amray la dagaalanka isticmaalka maandooriyaha

0
267

Hoggaamiyaha dalka William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in madaxda diimeed iyo siyaasiyiinta ay sare u qaadaan dagaalka ka dhanka ah isticmaalka daroogada si loo badbaadiyo dhallinyarada.
Madaxweynaha ayaa arrin laga xumaado ku tilmaamay in maandooriyaha sida khamriga uu galaafanaya nolosha da’yar badan isagoo waalidiinta ka codsaday inay ku soo biiraan ololaha ka dhanka ah balwadda.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in la billaabi doono baaritaano ku aaddan bixinta leesimada la siiyo goobaha lagu caweeyo.
Waxaa uu saraakiisha maamulka ee gobollada iyo ismaamullada ku amray in iyagoo kaashanaya ciidamada booliiska ay howlgallo ka fuliyaan meelaha lagu iibiyo maandooriyaha si tallaabo sharciyeed oo adag looga qaado dadka ganacsigan ku howlan.