DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in howlaha mucaaradka aynan carqaladeyn doonin waxqabadkiisa

0
351

Madaxweynaha dalka William Ruto oo shalay dadweynaha kula hadlay fagaaraha Ole Ntimama Stadium ee ismaamulka Narok ayaa sheegay in waxyaabaha ay sameynayaan siyaasiyiinta mucaaradka iyo dhaliilaha ay u jeedinayaan dowladda dhexe aynan marnaba carqaladeyn doonin habsami u socodka qorshihiisa horumarineed.
Ruto ayaa madaxda isbeheysiga Azimio ugu baaqay inay si buuxda uga soo baxaan waajibaadkooda la xisaabtanka dowladda iyagoo aan khalkhal gelin dalka.
Waxaa uu dhanka kale hoggaamiyaha wadanka cadeeyay inaysan jirin cid uu oggolaansho uga baahan yahay si uu kenyaanka ugu adeego.
William Ruto ayaa intaasi ku daray in laga soo gudbay xilligii siyaasadda oo uu si siman ugu adeegi doono shacabka.
Waxaa uu tilmaamay in uunan marnaba mucaaradka ka oggolaan doonin inay qaranka u weeciyaan jahada siyaasadeed ee ay doonayaan.
Ruto ayaa madaxda siyaasadeed ugu baaqay in aynan shacabka ku kala qaybin siyaabo qabiil iyo siyaasadeed.

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa dhankiisa sheegay in Raila Odinga iyo xulafadiisa aynan u suurtagelin doonin inay qaab heshiis siyaasadeed ah ugu biiraan dowladda .