Abaar iyo biyo la’aan xooggan oo ka jirta deegaanka Banisa ee Mandera

0
969

Qaar ka mid ah dadka ku nool ismaamulka Mandera ayaa hadda doonaya in dowladda ay wax ka qabato saameynta ay abaaruhu ku yeesheen qaybo ka mid ah deegaankaasi.
Waxaa ay sheegeen in hadii sida ugu dhaqsiyaha badan aan gargaar baniaadanimo lala soo gaarin ay xaaladdu noqon karta mid aad u xun.
Mid ka mid xoolo dhaqatada deegaanka Banisa ee ismaamulka Mandera oo la hadlay warbaahinta qaranka ee KBC ayaa sheegay in hadii uusan roob da’in labada toddobaad ee soo socda ay xoolahooda dhamaanayaan sida uu hadalka u dhigay.
Ninkan oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Ibraahim oo ku dhashay kuna soo barbaaray deegaanka Banisa ayaa u muuqda mid rajo beel ah isagoo sheegay in xaaladda abaareed ee hadda ka jirta deegaankaasi aysan arag 10-kii sano ee la soo dhaafay.
Waxaa uu xusay in markii ugu dambeysay ay biyo haleen ay ahayd laba toddobaad ka hor islamarkaana aynan ku filneeyn u isticmaalka guryaha iyo xoolaha.
Madaxa fulinta ee waaxda biyaha ee ismaamulka Mandera Maxamad Cali ayaa qiray in xaaladdu ay tahay mid daran oo loo baahan yahay gargaar degdeg ah.
Waxaa uu xusay in maamulka qaran ee qaabilsan maareynta saameynta abaaraha ee NDMA uu haatan kala shaqeynayo hay’adaha dowladeed sidii xal waara loogu heli lahaa xaaladda abaarta ee hadda jirta.
Waxaa uu carabka ku dhuftay inay horey u siiyeen lacag kaash ama caddaan ah in ka badan 22, 000 oo qoys.