Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa berri magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta si rasmi ah uga furi doono shir ay yeelanayaan xildhibaannada baarlamaanka.
Kulanka ayaa socon doono muddo afar cisho ah.
Waxaa sidoo kale shirka ka qayb galaya xubnaha ururka baarlamaannada waddamada barwaaqa-sooranka ee Commonwealth ee (CPA).
Ruto ayaa la filayaa inuu halkaasi khudbad ka jeedo.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dhawaan mudanayaasha baarlamaanka uu shir ugu soo gabagaboobay Mombasa waxayna ka hadlayeen arrimaha sanduuqa horumarinta deegaannada ee CDF, waajibaadkooda dastuuriga sida matalaadda shacabka , kormeerka dowladda iyo xeer dejinta.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetang’ula ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ujeeddada kulanka berri ay tahay in mudanayaasha la fahansiiyo habdhaqanka baarlamaanka iyo xoojinta dimuqraadiyadda.
Waxaa uu intaasi ku daray in sidoo kale ay tahay madal xubnaha ururka CPA ay isku waydaarsan doonaan aqoontooda iyo waaya aragnimadooda.