Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta xaafadda Shauri Moyo ee deegaanka Kamukunji ismaamulka Nairobi ka daahfuray mashruuc lagu dhisaya in ka badan 3,000 oo ah guriyo tayo leh oo ay dadweynaha ku degi doonaan qiimo ay awoodaan.
Waaxda guriyeynta iyo horumarinta magaalooyinka ayaa bayaan ku sheegtay in dhismaha guriyahan ay ku baxaysa 10 bilyan oo shilin.
Madaxweynaha wadanka ayaa hoosta ka xarriiqay in qorshaha maamulkiisa uu yahay in sanad kasta la dhiso ugu yaraan 200,000 oo guriyo ah.
Ruto ayaa xusay inay rajeynayaan in marka la gaaro sanadka 2027-ka , tirada guriyaha ay dowladdu dadka u dhistay ay noqon doonaan ugu yaraan hal milyan guud ahaan wadanka.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in gudaha caasimadda wadanka ee Nairobi ilaa 2 milyan oo qof ay ku nool yihiin xaafado aan si rasmi ah loo deegaamayn.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa xusay in mashruuca uu maanta daahfuray uu muddo labo sano ah shaqo abuur u sameyn doono ilaa 3000 oo qof.
Waxaa uu sidoo kale cadeeyay in ujeeddada laga leeyahay barnaamijkan ay tahay in kenyaanka ay ku noolaadaan xaafado ay u dhameystiran yihiin adeegsiyada aasaasiga ee bulshada.
Dhanka kale waxaa uu sheegay in danta malaayiinka kenyaanka ah uunan ka horumarin doonin tan shakhsiyaad gaar ah.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale shirkadda korontada dalka ee KPLC uga digay inay xaafad dhan ka jarto adeegga korontada iyadoo ku andacoonaysa inay jiraan dad adeeggan u xiriirsaday si aan habboonayn.
Waxaa madaxweynaha maanta daahfurka barnaamijkan ku wehelinayay ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua, barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja, wasiirka wasaaradda dhulalka Zacharia Mwangi, xildhibaanka deegaanka Kamukunji Yuusuf Xasan Cabdi iyo madax kale.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa isna siyaasiyiinta mucaaradka ugu baaqay inay madaxweynaha fursad u siiyaan hoggaaminta iyo horumarinta wadanka.
GOVERNMENT SECURES 3,900 ACRES FOR AFFORDABLE HOUSING
At least 3,900 acres of land has been secured for the construction of affordable houses across the country. pic.twitter.com/IFRH3UrkjD
— State House Kenya (@StateHouseKenya) January 27, 2023
“This will pave way for productive use of land besides minimising disputes.” pic.twitter.com/dpwTxaWGx9
— State House Kenya (@StateHouseKenya) January 27, 2023
Breaking ground for the Shauri Moyo Affordable Housing Project, Nairobi. https://t.co/STh78Pc213
— State House Kenya (@StateHouseKenya) January 27, 2023