Golaha warbaahinta MCK oo isbedello ku sameynaya kaarka aqoonsiga ee saxaafadda dalka

0
299

Golaha qaran ee warbaahinta dalka ee MCK ayaa go’aamiyay inuu isbedello ku sameeyo kaarka aqoonsiga ee warbaahinta wadanka, ka dib markii ay soo baxeen shakhsiyaad qaab khiyaano ah saxaafadda uga shaqeysto.
Bayaan uu golahan maanta soo saaray ayuu ku sheegay in uu soo saari doono kaarar cusub oo saxaafadeed oo leh astaamo dheeri ah oo fududeynaya in lagu xaqiijiyo kaarka inuu sax yahay iyada oo la adeegsanayo taleefan kasta oo casri ah.
Kaarka aqoonsiga ee golaha qaran ee warbaahinta dalka ayaa wuxuu suxufiyiinta ka caawinaya inay helaan macluumaadka, ka qaybgalka shirarka, aqoon-is-weydaarsiga, tababarrada iyo shirarka kale.
Waxaa ay sidoo kale  kor u qaadaysa ilaalinta xuquuqda iyo mudnaanta suxufiyiinta marka ay gudanayaan waajibaadkooda.
Dhammaan saxafiyiinta doonaya in ay aqoonsi ka helaan golaha warbaahinta dalka ee MCK ayaa looga baahan yahay in ay haystaan warqad ka socoto shirkadaha ay u shaqeeyaaan, shahaadooyinka Digree ama Diblooma ee ka socoto machadyada la aqoonsan yahay.